Dowladda Soomaaliya oo qorshaynaysa in guddoomiyeyaal u magacawdo gobaolada Awdal, Woqooyi Galbeed iyo Togdheer.

Dowladda Soomaaliya oo qorshaynaysa in guddoomiyeyaal u magacawdo gobaolada Awdal, Woqooyi Galbeed iyo Togdheer.

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay waddo qorshe cusub oo la xiriira magacaabista guddoomiyeyaasha gobollada, kuwaas oo si toos ah ugu hoos imanaya Dowladda Federaalka, isla markaana lagu wado in loo magacaabo gobollada Awdal, Woqooyi Galbeed iyo Togdheer.

Sida ay Raxanreeb u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo si dhow ula socda Villa Soomaaliya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintan kala tashaday diblomaasiyiin Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin khibrad leh, kuwaas oo la sheegay inay talooyin ka siiyeen jihada ay dowladdu uga wajihi karto xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

Ilo-wareedyadu waxa kale oo ay sheegayaan in Madaxweynaha lagu boorriyey in la magacaabo guddi gaar ah oo ka shaqeeya hirgelinta hannaan maamul-dhis ah oo ka hanaqaada gobollada waqooyi, si loo abuuro nidaam sharciyeysan oo waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah talooyinka miiska saarnaa.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli la sheegayo in Somaliland ay wajahaysa muran siyaasadeed iyo khilaafaad gudaha ah, isla markaana ay sii xoogeysanayso diidmo ay muujinayaan qaybo ka mid ah bulshada, gaar ahaan arrimaha la xiriira gooni-u-goosadka iyo xiriirrada dibadeed ee maamulkaasi raad-raacinayo.

Tan iyo markii la dhisay maamulka SSC-Khaatumo, kaddib dagaallo culus oo ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaa kor u kacay cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland, iyadoo dagaalladaasi ay sababeen khasaare nafeed iyo mid bini’aadannimo.

Dhanka kale, magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa lagu soo warramayaa in ay ka socdaan dibadbaxyo iyo kacdoon shacab oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland. Dadka deegaanka, gaar ahaan beelaha ku nool Awdal, ayaa muujinaya diidmo ay ka qabaan nidaamka gooni-u-goosadka, iyagoo taageero u muujinaya fikradda dhismaha maamul la yiraahdo Awdal State, kaas oo la doonayo inuu si toos ah ugu hoos yimaado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mashruuca Awdal State ayaa muddooyinkii dambe soo jiitamayay, hase yeeshee xaaladaha siyaasadeed ee hadda taagan ayaa la rumeysan yahay inay dib u dardar gelin karaan dadaallada ku aaddan hirgelintiisa.

Guud ahaan, dhaq-dhaqaaqyadan siyaasadeed waxay muujinayaan isbeddel ka socda gobollada waqooyi ee dalka, kuwaas oo si toos ah u saameyn kara mustaqbalka midnimada, maamul-dhiska iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.