Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjogayaal sare oo katirsanaa kooxda AS

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Gashaandhigga ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal iyo duqeyn sacaadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Jabadgodane ee hoostaga Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa lagu sheegay in 21-kii December 2025, ciidanka xoogga dalka ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, ka fuliyeen deegaanka Jabadgodane ee hoostaga Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe.

Wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay 15 xubnood oo katirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ay ku jiraan horjogayaal caan ka ahaa gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana dhibaato badan u geystay shacabka Soomaaliyeed.

“Howlgalkan waxaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso.

Dhagarqabayaasha lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ah:

1. Jacfar Aadan – Horjoogihii Khawaarijta deegaanka Jabad Godane.

2. Cabdirisaaq Cali – Oo qaabilsanaa daweynta Khawaarijta.  

3. Daa’uud – Horjoogaha qeyb ka mid ah maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Geesta kale wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalkan uu y si weyn u wiiqay awooddii maleeshiyadka Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka, iyo saadka, waxa ayna tilmaamtay in tallabadan ay qeyb tahay dadaallada joogtada ah ee ciidanka xoogga Dalka ku ciribtirayo Al-shabaab, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.