Dowladda Soomaaliya oo Shuruud adag hor-dhigtay dalalka Caalamka

Dowladda Soomaaliya oo Shuruud adag hor-dhigtay dalalka Caalamka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inay jiraan dalal badan oo Soomaaliya wax u dhoofiso taas bedelkeena aysan iyaga waxba noo soo dhoofin.

Wuxuu sheegay in Khudaarta noocyadeeda kala duwan iyo waxkasta oo tayo leh dalka laga dhoofiyo kaidb heshiis ay Xukuumadda markaas jirta la gasho wadamada Shisheeye, hayeeshee qorshahooda uu yahay inay wax ka bedelaan.

Wasiir Maareeye oo sii hadlayay ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorsho ay dowladaha Caalamka ugu qasbayaan hadii Soomaaliya wax looga dhoofiyo ay iyagana dalka Soomaaliya wax u soo dhoofiyaan.

Si kastba hadalka Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan wadamo badan oo Soomaaliya wax u soo dhoofiya, kuwaas oo aan lagula xisaabtamin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.