Dowladda Turkiga oo soo saartay amar ah, in la xirayo wiilka Xasan Sheekh

Dowladda Turkiga oo soo saartay amar ah, in la xirayo wiilka Xasan Sheekh

Istanbul (Raxanreeb) — Dowladda Turkiga ayaa amar dul dhigtay wiil uu dhalay Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la sheegay isagoo khamri cabsan in uu dilay muwaadin dalka Turkiga u dhashay oo waday mootada labada lug leh.

Ninkan, uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka baxsaday dalka Turkiga shilka kaddib iyagoo masu’uliyiin kala duwan ka hadashay dilka uu geeystay iyo baxsashidiisa.

Shilkan ayaa dhacay dhammaadka bishii hore ee November, dhaawac kasoo gaaray Yunus Emre Göçer, ayuu u geeriyooday ugu danbeeyntii Isbitaalka.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuu, ayaa la sheegay in uu watay gaari ay leedagay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, isla markaasna warbaahinta waxay kusii dareysaa in uu cabsanaa khamri.

Sidoo kale baxsashadiida ayaa maxkamad ku taalla magaalada Istanbul soo saartay waaran lagu xirayo meel kasta uu ka joogo adduunka iyadoo la faray dhammaan Booliska Caalamiga ah, er Interbool.

“Dowladda Turkiga iyadoo la isticmaalaysa jid kasta oo caalami ah oo fududeynaya in lasoo qabto tuhmanaha,ayay qaadaysaa” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa soo saartay xayiraad 7 December, kaddib baxsashadiisa, Maxamed Xasan Sheekh, oo bacsaday 2 bisha December ka hor xayiraadda maxkamadda.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay gaari in uu ku dilay nin u dhashay turkiga degmada Fatih ee magaalada Istanbul waddo weeyn oo dhexmarta degmadaasi.

Yunus Emre Göçer, oo ahaa 38 jir ahaa kaasoo u dhashay dalka Turkiga, kaas oo waddada Kennedy Avenue, isagoo istaagay waxaa gadaal kaga dhacay gaari, uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, gaaris oo u diiwaan gashan safaaradda Soomaaliya.

Shilkan ayaa sababay dhaawacyo culus oo soo gaaray Yunus Emre Göçer, kaas oo lagu dabiibayay İstanbul Teaching and Research Hospital islamarkaana uu u geeriyooday 6 maalin kaddib Yunus Emre.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu, ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno.

Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X Ex (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday labdii bishan December.

“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu.

Sidoo kale Wasiirka Caddaaladda Turkey Yılmaz Tunç, ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay muujinayaan in Yunus, gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in loo simam yahay sharciga aysana jirin cid ka sarreeysa haddii uu dhacana faldanbiyeed, ay ka dhalan karto cawaaqib xumo daran.

Safaaradda Soomaaliya, ee dalka Turkiga ayaan ka hadlin weli dhacdadani, oo dhacday 30 kii bishii hore November.