Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ismaaciil Cumar Geelle

Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ismaaciil Cumar Geelle

Djibouti city (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhiggisa Jabuuti kula kulmay Jabuuti madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka qeeybgalaya shirkii 41-aad ee Urur Goboleedka IGAD.

“Labada Madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti halkaas oo uu ka qabsoomayo shirka Madaxda waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacaya Dalka Jabuuti.

Sidoo kale kulamo doceedyo ayaa lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu la qaato Madaxda Ururka IGAD, oo ay kawada hadlayaan xaaladaha ka taagan dalka sida arrimaha bani’aadannimada, Amniga iyo in ay wax iska waydiiyaan qodobadii ay uga hadleen kulankii kan ka horreeyay.

IGAD, ayaa qeeyb ka yihiin waddamo badan oo Afrikaan ah, sida Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda.