Duqeyn ka dhacay Mudug & dhaawacyo loo soo qaaday Muqdisho

Duqeyn ka dhacay Mudug & dhaawacyo loo soo qaaday Muqdisho

Gaalkacyo (Raxanreeb ) War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeymo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Mudug ay ku dileen xubno sar sare oo ka mid ah kooxda Al- Shabaab.

Waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay Dowladda in duqeymahan inta badan ay ka dhaceeb goobo ay ku dhuumalaysanayeen kooxda Al- Shabaab ee Mudug.

Sida warka lagu sheegay  Dowladda Soomaaliya waxa ku gacansiinayay duweymahan saaxiibadooda  ajaaniibta ee qaybta ka ah howlgalka lagula jiro kooxda Al- Shabaab.

Dhanka kooxda Al- Shabaab ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen hadalka ka soo baxay Dowladda ee la xiriira duqeymahan la sheegay in xubno ka tirsan Al- Shabaab lagu dilay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo wariyay dhaawacyda dagaalkii shalay ka dhacay Shabeelow loo soo qaaday Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.