Erdogan  -‘’ Diyaar ayaa u nahay inaan dhex-dhexaadino Ruushka& Ukraine ‘’.

Erdogan  -‘’ Diyaar ayaa u nahay inaan dhex-dhexaadino Ruushka& Ukraine ‘’.

Ankara (Raxanreeb )- Madaxwaynaha dalka Turky ayaa ka dhawaajiyay in dowladiisa ay diyaar u tahay in miiska wada- hadalka ay isugu keento dalalka Ruushka& Ukraine.

Labada dal ayaa la xusuustaa dagaalkii dheeraa ee dhaxmaray , kaas oo sababay dhibaato baaxad leh oo ilaa iyo hadda aan ka soo kaban labadan dal oo ah wadamo deris ah.

Madaxwaynaha Turky  oo kulan gaar ah la yeeshay madaxwaynaha  Ruushka ayay isla soo hadal qaadeen dagaalka sii daba dheeraaday iyo sida loogu baahan yahay in xal laga gaaro.

Erdogan ayaa xusay in sii socoshada dhibaatadaas ay keeni karto dhibaato aan laga soo kaban karin muddo dheer

Leave a Reply

Your email address will not be published.