Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay laamiga dheer ee aada xarunta degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan Guutaale.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday baabuur uu la socday taliyaha Nabad-Sugidda ee degmadaas, Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo loo yaqaano (Seedi-Xume) walow uu ka badbaaday weerarka qaraxa ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah ciidanka ilaalada ee taliyaha qaraxa lala eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, waxayna kasoo qaadeen dhaawacyada labada qof oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday taliyaha Nabad-Sugidda ee degmada Dayniile.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa inuu si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen ee degmadaasi.

Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay degmadaasi.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya, ayada oo dhanka kale laamaha amniga ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan caasimada, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro.