Farmaajo ” Haddii la hareer maro dastuurka waxna laga bedele jahwareer ayuu dalka galayaa “

Farmaajo ” Haddii la hareer maro dastuurka waxna laga bedele jahwareer ayuu dalka galayaa “

Doha (Raxanreeb ) Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray xaalada dalka gaar ahaan howlaha hortabinta u leh Dowladda.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in talaabo kasta oo la qaado iyadoo aan loo marin hanaan sax ah ay keeni karo jahwareer siyaasadeed ok aan la mahdin.

Farmaajo ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in uu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyada ku aadan arrintaan, islamarkaana wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah ay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray.

“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan.”

Waxa uu sheegay in laga guuro hannaanka baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska ra’iisul wasaaraha ay tahay masuuliyad ka baxsan awoodaha hay’adaha dowladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Si kastaba Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa wafa qorshe lagu baa’ binayo awooda wasiirka kowaad isla markaana lagu dhisayo laba xisbi keliya oo awooda dalka ku tartami doona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.