Gaza (Raxanreeb ) – Xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Gaza ayaa sheegay in taliyihii ciidamada ammaanka qaranka ee Xamaas Maj. Gen. Jihad Muheisen, lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Gaza isaga iyo qaar ka mid ah qaraabadiisa.
Sidoo kale, ilaa hadda si rasmi ah looma oga tirada dadka eheladiisa ah ee lagu dilay xaafadda Sheikh Radwan ee waqooyiga magaalada Gaza.
Ciidanka Amniga Qaranka waa urur ka dhisan Gaza oo ay la wareegeen Xamaas ka dib markii ay qabsadeen 2007dii.
Dhinaca kale, saraakiisha Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Jamila al-Shanti oo ka tirsan golaha sharci dejinta ee Xamaas lagu dilay duqayn cirka ah oo ay fuliyeen Israa’iil Khamiistii.
Leave a Reply