Farmaajo oo War kasoo saaray Geerida Jawaari

Farmaajo oo War kasoo saaray Geerida Jawaari

Muqdisho ( raxanreeb) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ugu horeyn Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.”

Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku uu inta badan noloshiisa u soo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalka.

Intii uu Farmaajo dalka ka ahaa Madaxweynaha waxaa isaga iyo Jawaari dhex-martay taariikh siyaasadeed oo adag, taas oo keentay in Jawaari uu iska casilo xilkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.