Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ramlo Siciid Axmed oo loo yaqaano (Ramlo Cali) oo ah feeryahaanad Soomaaliyeed, ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ku soo dhoweeyey wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ramlo Cali oo warbaahinta kula hadashay gudaha garoonka, ayaa sheegtay in ayada oo aad u yar dalka laga kaxeeyey, isla markaana hadda ay tahay markii ugu horeeysay oo ay Soomaaliya timaado.
“Guusheyda waa guusha Soomaaliya ay gaartay, waxaana u mahad celinaya qofkasto oo isoo dhoweeyey sida wanaagsan” ayey tiri feeryahaanad Ramlo Cali.
Sidoo kale Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa sheegtay in Ramlo Cali ay adduunka ku mateshay Calanka Soomaaliyeed, isla maraakaana ay ku faraxsan tahay in dalka ay ku soo dhoweeyso.
Geesta kale guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan, ayaa tilmaamay in feeryahaanad Ramlo Cali ay muujisay inay gabdhaha Soomaaliyeed yihiin kuwa adkeysi badan oo fagaarayaasha caalamka wacdaro ka dhigi kara.
Ramlo Cali oo ah gabadhii ugu horreysay ee feeryahaanad Soomaaliyeed ah ayaa ku guuleysatay biladda dahabka Caalamiga ah ee dhinaca Feerka isla markaana hanatay guulo is daba joog gaartay.

Leave a Reply