Fiqi ‘’ Ma xuma xiriirka Dowladda & maamul goboleedyadda‘’

Fiqi ‘’ Ma xuma xiriirka Dowladda & maamul goboleedyadda‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa soo baxaya inuu aad u xun yahay xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada , taas oo ka dhalatay hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiirada maaliyadda maamul goboleedyada.

Wasiirka arrimaha gudaha Federalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Federalka Axmed Macallin  Fiqi ayaa ku tilmaamay xiriirka Dowladda iyo maamul goboleedyada mid wanaagsan.

“Dowlad goboleedyada heshiisbaan la nahay, wax dagaal ah oo lagu qaadayo ama la iclaamiyay, oo dowladda Soomaaliya ay iclaamisay majiro’’ ayuu u sheegay Wasiira Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda.

Wasiir Fiqi ayaa sheegy in qof aragtidiisa dhiibtay isaga ay u gaar tahay oo aanay  jirin maamul goboleed Dowladu ay duulaan ku tahay oo isaga uu ogyahay.

‘’ Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu tagay maamul goboleedyada inta badan  kuwo kale ee dhimana waa uu u socdaa ” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macali Fiqi.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda federalka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalmahaan la dareemayay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.