Dhakar (Raxanreeb )- Markabka laga leeyahay dalka Bangladesh ee u afduuban burcad-badeedda Soomaalida ayaa la filayaa inuu dhowaan ka go’o saadka.
MV Abdullah ayaa weli u afduubay burcad-badeedda, inkastoo ay jireen warar sheegaya in wada-hadallo ay usoo bandhigeen milkiilayaasha.
Ururka saraakiisha badaha, milkiilayaasha markabka iyo ururka kalluumeysatada ayaa warkan u xaqiijiyay warbaahinta dalkaas.
Markabka ayaa heystay cunno ku filan muddo 25 maalmood ah markii la afduubanayay 12-kii March, balse burcad-badeedda ayaa cunnada isticmaalayay 16-kii maalmood ee xigay.
Markabkan oo kasoo shiraacday Musambiig kuna wajahnaa Imaaraatka Carabta ayaa safarkiisu wuxuu qaadan lahaa muddo 15 maalmood ah.
Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso sida ciidamada Hindiya ay xeebahaas ugu fuliyeen howlgalkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen burcad baddeed gacanta ku hayey doonyo iyo Markab ganacsi.
Burcad baddeeda Soomaaliya ayaa kordhiyey dhaqdhaaqyadooda dhamaadka sanadkii tagay ilaa bilowga sanadkaan iyagoo muddadas gacanta ku dhigay ilaa saddex Markab oo ay ka soo afduubteen biyaha caalamiga.
BBC /Raxanreeb
Leave a Reply