Gabadhii basaaska u ahayd Al-Shabaab iyo kooxdeeda oo la xukumay

Gabadhii basaaska u ahayd Al-Shabaab iyo kooxdeeda oo la xukumay

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday shabakad ka kooban 3 qof oo ka tirsaneyd Al-Shabaab, kuwaas oo ahaa basaasiin kooxda uga howlgalayay gudaha magaalada Muqdisho.

Saddexda qof ee la xukumay ayaa kala ah Xaawo Cismaan Cabdi, Cawil Aadan Jaamac iyo Xasan Cali Xasan, kuwaas oo ay maxkamadeyntoodu muddo dheer soo socotay.

Xaawo Cismaan Cabdi oo aheyd halka gabar ee ku dhex jirtay kooxdan ayaa waxaa lagu helay inay kayd haye hub u aheyd Al-Shabaab, sidoo kalena ay shirqooli jirtay xubnaha bartilmaameedka u ah kooxda sida laga hor caddeeyay maxkamadda ciidanka qalabka sida.

Gabadhan oo si weyn arrinteeda loo hadal hayo ayaa ka warbixisay sida ay ay ugu biirtay kooxda, waxa ay sheegtay in ay Sacuudiga kasoo laabatay sanadkii 2021-kii kadibna baraha bulshada ay ka daawan jirtay muuqaalada Al-Shabaab oo ay sidaas ugu biirtay, ayada oo xustay in gabdho iyo wiilal ay ka baratay Internet-ka, ayna sidaas ku howlgashay.

Sidoo kale waxa ay qiratay in hubka loo keeni jiray, sida bambaanooyin iyo bistoolado, kadibna ay usii gayn jirtay xubnaha weerarada ka fuliya gudaha caasimada.

“Wiilasha aan la shaqeynaayay aniga ninka Amiirka ah ayaa igu soo xiray oo joogo meel la dhaho Mubaarak, wuu isoo wacaayay kadib alaabta ayaa la’ii keenaayay, markii dambe waxaa la ii keenay bambooyin guriga ayaana ugu hayay” ayay tiri Xaawo Cismaan.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Boqol dollar ayaa la’i siinayay, kaliya waxaa lay dhahaayay meel heblaayo gey alaabta, waxaana inta badan geyn jiray Tabeelaha” ayay sii raacisay.

Maxkamadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday Cawil Aadan Jaamac oo isna ahaa basaas kale oo xogaha siin jiray kooxda, sida uu ka hor sheegay maxkamadda.

Ninkan oo deganaa xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid ayaa ku shaqeynsan jiray mooto Bajaaj, balse si hoose ugu basaasayay kooxda.

Waxaa kamid a howlaha uu sameyn jiray inuu la socda dhaq-dhaqaaqa ciidanka amniga iyo meelaha ay ka howlgalayaan marka la baarayo gaadiidka ama mootooyinka, si ay uga weecdaan xubnaha Al-Shabaab ee raba inay weerar gaystaan.

Sidoo kale waxaa ninkan lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa weerarkii Buulo-mareer ee lagu qaaday ciidanka Uganda ee ATMIS, isaga oo qaabilsanaa inuu isha ku hayo dhaq-dhaqaaqa Muqdisho iyo haddii uu jiro gurmad kasoo baxayo oo aadayo dhanka magaaladaasi.

Ninka saddexaad ee isna la xukumay waa Xasan Cali Xasan oo 55 jir ah, isla-markaana ah qurbe-joog, waxaa lagu helay inuu gaadiid uu Taxi ahaan ugu shaqeyn jiray ugu qaadayay xubnaha Al-Shabaab, sidoo kalena uu Al-Shabaab u geyn jiray dadka u dacwad tega.

Xasan Cali ayay sidoo kale maxkamadda sheegtay inuu kooxda u ahaa Nabadoon beenaad iyo dalaal, isla-markaana u fuliyay howlo badan oo ay u direen xubnaha Al-Shabaab.

Ugu dambeyn guddoomiye Shuute oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in Cawil Aadan Jaamac lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale waxaa Xaawo Cismaan lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah, halka Xasan Cali isna lagu ridday 1 sano oo il ku heyn booliska ah. Dhanka kale maxkamadda ayaa sii daysay nin lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Xuseen, kadib markii lagu waayay wax dambi ah.