Gacankudhiigle Maxamed Abshir oo la qabtay iyo xog laga helay

Gacankudhiigle Maxamed Abshir oo la qabtay iyo xog laga helay

Ciidamada booliiska  Puntland ayaa saakay oo Khamiis ah ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan gacankudhiigle Maxamed Abshir Muuse (Bootaan), oo 29-kii bishii July magaalada Boosaaso ku dilay guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee jaamacadda Bariga Afrika .

Ninkan gacankudhiiglaha ah ayaa magaalada Boosaaso ka baxsaday kaddib markii uu dilay marxuum Khaalid Cali Khaalid Awmuuse, waxaana socday maalmihii lasoo dhaafay baadigoob ciidamada amniga ugu jireen ninkan dilka geestay.

War kasoo baxay taliska booliiska Puntland ayaana lagu sheegay in odayaasha dhaqanka beesha uu kasoo jeedo Maxamed Abshir Muuse, gacan ka geesteen in saakay deegaanka Durduri kasoo qabtaan gacankudhiiglaha oo ka baxsanayay laamaha amniga.

“Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo, waxaana ciidanka ammaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.