Galmudug: Odayaal isku soo dhiibay Ururka Al-Shabaab

Baxdo (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya Odayaal kasoo jeeda deegaannada Cadaado iyo Baxdo oo ka mid ah, gobolka Galgaduud ay u goosteen deegaanka Camaara oo gacanta ugu jira Ururka Al-Shabaab halkaas oo ay kaga mid noqodeen Al-Shabaab.

Odayaasha goostay ayaa caan ka ahaa deegaannadaasi ayagoona la sheegay in la ogaa fikir ahaan inay aminsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayagoona lagu sheegay tiradooda illaa iyo saddex odayaal ah.

Odayaashan ayaa ka mid ahaa odayaal dhowaan kusoo dhoweeyay deegaanka Baxdo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Maamulka degmada Baxdo ayaa xaqiijiyay in odayaashan ay xalay u goosteen dhinaca Al-Shabaab, ayagoona magacyadooda ku sheegay Cali Yare Axmed Xayle, Sugaal Warsame Cali, iyo Cumar Faniinte.

Ma jirto weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug lama oga sababta rasmiga ah ee ay ugu biireen odayaashani Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug ayaa dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab ayagoona ka qabsaday dhowr deegaano oo horey Al-Shabaab u haysteen walow ay deegaannada qaar ay iskaga baxeen markii danbe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.