Askar ku waxyeelowday qarax ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Duhurnimadii Maanta Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo soo xir xiray Dad shacab ah oo laga rabay sida la tilmaamay Canshuurta Guryaha ayaa Miinnada Dhulka lagu Aaso kula Qaraxday Lawaanjada Mahad-Alle.

Dadka shacabka ah ayaa la sheegay in lagu daad-gureeyay Laba Gaari oo kuwa Raaxada ah iyo Gaari Booliis ah lamana sheegin halka loo waday.

Inta hadda la ogyahay 4 ruux ayaa dhaawacyo Culus soo gaaray oo Laba kamid ah ay yihiin Ciidanka Booliiska, waxaase suurtagel ah in qasaaraha intaas uu ka bato.

Dadka waxyeeladu ay soo gaartay ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si halkaas loogu Dabiibo Xaaladdooda Caafimaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.