Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka heleyno magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaya in ganacsatada magaalada Muqdisho, ay guud ahaanba diideen in ay qaataan lacagta Shilling Soomaaliga iyaga oo Dollar keli ah wax ku iibinaya.
Diidmadan ayaa ka dhalatay lacagta Shilling Soomaaliga oo guud ahaanba noqotay mid duug ah oo aan haysan daryeel dawladdeed maaddama oo daabacaddii ugu dambaysay ay ahayd sannadkii 1990-kii.
Muqdisho ayaa noqonaysa goobtii ugu dambaysay ee Soomaaliya laga diido Shilling Soomaaliga iyada oo hore deegaanno aad u badan looga joojiyey adeegsiga lacagtii ay Soomaaliya lahayd oo noqotay mid guud ahaanba laga doortay Dollarka Maraykanka.
Xukuumaddafederaalka Soomaaliya, ayaan ku guulaysan in ay soo daabacdo lacago cusub, si loo helo lacago ay Soomaaliya leedahay.
Geesta kale waxaa jira qaar kamid ah gobollada dalka oo horay looga diiday isticmaalka lacagta shilin Somaliga, iyada oo ganacsatada ay dadweynaha u shegeen in lacag shilin Somali ah qaadaneynin.

Leave a Reply