Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Digniin U Diray Somaliland.

Laascaanood (Raxanreeb online) – Madax-dhaqameedka SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa digniin u diray Somaliland oo uu kaga digayo qorshaha duulaanka ah ee ka dhanka ah Maamulka SSC ee Khaatumo oo ay si ku meel gaadh ah u aqoonsatay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Dagaalkii ka dhacay xerada Gooja-Cadde ee kal hore waxa uu tusaale u ahaa sida aanay Somaliland ku qanacsanayn,sababta oo ah in ciidankoodii xerada ku jiray ay kaga awood roonaadeen dhawr askari oo hub yar wata ayuu tilmaamay Garaad Jaamac.

Hogaamiyuhu waxa uu sheegay in aysan duulaan ku ahayn balse ay dantoodu tahay in ay is difaacaan taas oo ay sameeyeen, ay awood u leeyihiin sida uu hadalka u dhigay.

“Dawlad dhan oo 30 sano hub ururinaysay oo rag yar laga itaal roonaaday waxay muujinaysaa midnimadeenna, Ilaahayna wuu innagu garab galay markii ciidamada SSC-Khaatumo ay la wareegeen Taliskii ugu weynaa Somaliland ee Goojacade oo ay dad badani ka naxeen. in la aamino” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Madaxda SSC-Khaatumo ayaa dhowr jeer sheegay in Maamulka Somaliland uu qorsheynayo duulaan uu ku doonayo in uu dib ugu qabsado deegaanada uu hadda ka arimiyo maamulkaas, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan hadii lagu soo weeraro.

Xiisadda colaadeed ka dib, ayaa waxaa weli ka taagan xiisado colaadeed, iyadoo labada dhinacba ay sheeganayaan dhul iyo maamul. Hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in xiisadda cakiran tahay iyo sida ay suurtogal u noqon karto in xaaladdu ka sii darto haddaan wada hadal iyo nabad lagu xalin karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.