GAROOWE : Isku bir- tumashada DENI & mucaaradka oo sababay barakac qoysas badan

GAROOWE : Isku bir- tumashada DENI & mucaaradka oo sababay barakac qoysas badan

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in xaafadaha qaar dadkabay isaga barakaceen.

Dad la hadlay RBC ayaa sheegay in dadka ay ka cabsi qabaan in waxyeelo ay ka soo gaarto isku birtumashada u dhaxeeysa ciidan ka kala amar qaata Madaxwayne Saciid Deni iyo mucaaradka.

Waxaa la arkayay Qoysas isaga fogaanayay gooobaha  qaar ee ay ku kala sugan yihiin labada dhinac ee kala taabacsan Saciid Deni iyo mucaaradka kuwaas oo xili kasta fooda is dari kara.

Xaalad hubinti la’ aan ah oo ka dhalatay doorashada ayaa ka taagan xilligan deegaanada maamulka Puntland , waxana muuqanaya saan saant arintaas la xiriirta.

Waddooyin badan oo magaalada Garoowe ah waxaa lagu arkayaa gadiidka dagaalk taas oo cabsi galisay dadka ku nool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.