Muqdisho (Raxanreeb) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xalay magaalada Muqdisho kulankaas oo uu shir guddoominayay ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre, kulanka ayaa looga hadlayay arrimo badan.
Kulankan golaha wasiirrada ayaa lagu amsaxiyay waaxda Dad dhigista iyo tirakoobka arrimaha madaniga ahi.
Sharcigan ayaa lagu sheegay in muhiimad xooggan u leeyahay Dad dhigista ee Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale shirka waxaa warbixinnada amniga looga dhageystay wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga DFS kuwaas oo ka war bixiyay xaaladda dalka uu marayo iyo howlgalka ka dhanka ah, Ururka Al-Shabaab.
Kulankan ay golaha wasiirrada ay yeesheen ayaa ahaa mid deg deg ah, halka sidoo kale looga hadlayay gurmadka loo sameeyay deegaanada ay saameeyeen xaaladda adag ee fataahadaha kaasoo sababay roobabka xooggan oo daadad wata halka wobiga shabeelle uu ku fatahay deegaano badan.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale go’aamiyay in si deg deg loogu gurmado dadka ay fatahaadaha saameeyeen kuwaas oo inta badan gobollada Jubbada Hoose Hiiraan Koonfur Galbeed u badan yihiin fatahaadaha.
Kuankan ayaa kusoo aadaya iyadoo hore ugu baaqay shirka khamiislaha ee golaha wasiirrada, kaas oo inta badan lagu eego arrimaha Xukuumadda DF.
Soomaaliya ayaa haatan ka taagay xaalado adag kuwaas oo horey u sababay abaaro baahsan oo dalka ka dhacay halka hadda fatahaadha roobabka xooggan ay barakiciyeen qoysas badan aan tiradooda lahayn.