GAZA : Duqeymo hor leh oo ka dhacay & xaaladda oo  ka sii xumaanaysa.

GAZA : Duqeymo hor leh oo ka dhacay & xaaladda oo  ka sii xumaanaysa.

GAZA (Raxanreeb )- Marinka Gaza waxaa sii kordhaya duqeymaha halkaas ay ka fulinayaan ciidanka  Yahuuda  halkaas oo si maalinla ah ay ugu dhimanayaan dad shacab ah oo u badan Falastiniin.

Waxaa lagu soo waramayaa in Israa’iil ay  xoojisay duqeymaha ay ka waddo degmada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen 12 xubnood oo hal qoys ahaa.

Dhamaan Qoysaskan ayaa  lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuluyeen ciidamada Israa’iil sida ay ku warameen warbaahinta  ka howlgasha Marinka GAZA.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay xoojiyeen dagaalka ay ka wadaan degmada Khan Younis, oo dhanka waqooyi uga beegan Rafax.

Labaatan toddobaad oo uu socday dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ee Marinka Gaza, hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in cuntada iyo biyaha ay aad u yar yihiin.

WFP waxa ay sheegtay in lagu qasbay in ay hakiso hawlahooda “ilaa inta laga helayo xaalad u oggolaanaysa in si nabad ah loo qaybiyo gargaarka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.