Ganacsade la  afduubtay oo–maydkiisa la helay

Ganacsade la  afduubtay oo–maydkiisa la helay

Muqdisho (Raxanreeb )-  Wiil dhallinayaro oo ganacsade ahaa  kaas oo la sheegay in laga afduubtay magaalada Muqdisho ayaa maydkiisa la helay.

Ninkan dhallinyarada ah ayaa lagu magacaabayay AUN Abuukar Ahmed kaas oo deganaa degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninkan maydkiisa laga helay deegaanka Garasblay halkaas oo la saadaalinayo in lagu dilay.

Waxa uu lahaa goobo ganacsiga oo ka mid ah Garoomada Cayaaraha ay dhallinyaradu ku  cayaarto , habeenkii.

Lama oga sababta keentay in wiilkan dhallinyarada ah inta laga afduubto magaalada Muqdisho hadana lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Dilkan wiilka dhallinyarada aha ayaa ka mid ah dilal joogta ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Hay’daha amaanka ee Dowladda ma aysan bixin faahfaahin arintan ku saabsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.