Geelle ”Haddii ATMIS dalka ka baxdo AS  Soomaaliya ayay la wareegayaan”

Geelle ”Haddii ATMIS dalka ka baxdo AS  Soomaaliya ayay la wareegayaan”

Jabuuti (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Omar Geelle ayaa sheegay in xiligan suurtagal aysan ahayn in Soomaaliya ay ka baxaan ciidanka ATMIS.

Isgoo  u waramay TRT World ayaa Madaxwaynaha  Jabuuti  Ismaaciil Omar Geelle  waxa  uu sheegay in  ay haboon tahay in si taxadir leh loo eego ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in haddii ay ciidamada ATMIS Soomaaliya ka baxaan iyada oo aan la diyaar garoobin ay dhaceyso xaalad jahweer ah oo la mid ah tii ka dhacday Afghanistan.

“Bilahan soo socda aad ayay muhiim u yihiin, haddii kale waxaanu marlabaad arki doonaa wixii ka dhacay Afghanistan markii ay ciidamada Mareykanka waddanka ka baxeen iyada oo aan diyaar garow jirin sidaa darteed tan Soomaaliya haddii ay sidaas dhacdo waxaa gebi ahaanba dhimanaya rajada dadka oo dhan.”

Horay Jabuuti iyo Kenya ayaa walaac uga muujiyay ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya waxayna markaasi sheegeen in ciidamo ka socda labada dal oo ka madax bannaan kuwa ATMIS ay geyn doonaan guadaha Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa isna walaac ka muujiyay bixitaan ciidamada Nabada Ilaalinta ee ATMIS iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa go’aan aan laga fiirsan, horseedi karana in Al-shabaab ay qabsadaan goobaha ay baneeyaan ciidamada maaddaamaa ciidamada Soomaaliya ay ku adagtahay in sugaan amniga goobahaas.

Markii ay ciidamada ka baxeen qeybo ka mid ah goobihii ay sugnaayeen ayaa waxaa qaar ka mid ah dib u qabsaday Al-shabaab taas oo walaac badan abuurtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.