Go’ aan adag oo laga soo saaray hubka laga soo dejiyay Caabudwaaq

Go’ aan adag oo laga soo saaray hubka laga soo dejiyay Caabudwaaq

Muqdisho (Raxanreeb )-Golaha Amniga Qaranka oo galabta kulan yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Soo Saaray go’ aano Cusub oo ku Saabsan Xakamaynta Hubka ee guud ahaan Soomaaliya.

Inta kulankan uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday hubkii faraha badnaa ee dhawaan u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo Golaha Amniga Qaranka yeeshay 18-ka Luulyo 2024. Kulankan ayaa looga hadlay hub sharci darro ah oo laga soo geliyay Galmudug.

Go’aannada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah:

  • Adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta.
  • Mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.
  • Soo gudbinta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah.
  • In si degdeg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta. Kulanka waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.