Go’aano culus oo laga soo saaray dagaalkii ka dhacay degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Go’aano culus oo laga soo saaray dagaalkii ka dhacay degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhinacyadii ku dagaalamay degmada Luuq ugu baaqay xabad joojin shuruud la’aan ah, iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyay qodobo hordhac ah oo guddigaan colaadii dhacday ka soo sareen, kuwaas oo kala ah.

1: Xabad joojin aan wax shuruud ah ku xirneyn oo labada dhinac ay dhaqan geliyaan.

2: In nabadda Guud ee degaanka la qaato qofkii wax geystana ay isaga u gaar tahay tallaabo wadajir ahna laga qaado.

3: In dhinacyada dirirtu dhex-martay ay u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday.

4: In laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta Bulshada.

5: In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan Hantida Dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa ku baaqay in Guud ahaan Shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan nabadda, isla markaana Shacabkii barakacay ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.