Gobolka Galgaduud oo lagu qabtay Sarkaal muddo ay Ciidamada raadinayeen

Gobolka Galgaduud oo lagu qabtay Sarkaal muddo ay Ciidamada raadinayeen

Ciidamada dib u xoreeynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaano hoos tago degmada Ceeldheer.

Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Maxamed Cumar ayaa dhowr sano ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna uga biiray gobolka Bakool, sida uu sheegay Maxamed Khaliif oo ka mid ah saraakiisha hoggaameysa ciidanka soo qabtay Sarkaalkaan.

Howlgalka lagu soo qabtay Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deeganada Qorya-wayn iyo Hulcaduur oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada degaanka ee loo yaqaano macawiisleyda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa howlgallo xoogan ay ka wadeen degaano katirsan gobolka Galgaduud, iyada oo howlgallada ay kudileen Xubno katirsan Al-Shabaab degaanana kula wareegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.