Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda todobaadlaha ah, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee ku aadanaa in isbeddel lagu sameynayo hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, kaas ayaan xilkan hayay muddo sannad ka badan.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka u magacaabay Korneyl Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaddib markii ay garowsadeen khibradiisa ciidan iyo baahida loo qabo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Taliye Odowaa ayaa laba mar soo noqday Taliyaha ciidanka xoogga dalka,isaga oo inta uu xilka hayay lagu xasuusto in howlgalo badan oo horkacayay lagu xoreeyay deegaanno iyo degmooyinka ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab.
Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco.

Leave a Reply