Goormee DENI uu magacabayaa Guddiga Doorashada Puntland ?

Goormee DENI uu magacabayaa Guddiga Doorashada Puntland ?

Garoowe ( Raxanreeb )  Markii dhawaan uu shaaciyay Madaxwayne Saciid Deni inuu ka tanasuulay doorasho qof & cod ah ayaa arintaas waxa soo dhaweeyay bulshada deegaanada maamulkaas.

Dhinacyo badan oo aad u dhaliilsanaa habka Saciid Deni ayaa sheegay in hadalka Madaxwaynaha uu bogsiiyay boogaha jiray maadama dadka walwal ay ka qabeen in doorashadu ay sababto gacan ka hadal.

Saciid Deni oo hadlay ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn in dib loogu laabto doorashadii 66-da xildhibaan , hase ahaatee uu u turayo shacabka deegaanada Puntland isagana diyaar u ahayn  in Puntland ay burburto.

Madaxwayne Saciid Deni ayaa  laga sugayaa inuu soo magacaabo guddigii qaban lahaa doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyey , maalmaha soo socda.

Madaxweynaha ayaa dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka inuu soo saaro lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida doorashada, si loo dardar-geliyo.

Deegaanada Puntland waxaa in muddo ah ka ka taagnaa hubiti la’ aanta ka dhalatay arrimaha doorashooyinka oo ay isku hayeen mucaaradka iyo Madaxwayne Saciid Cabdulaahi Deni.

Leave a Reply

Your email address will not be published.