Hargaysa (Raxanreeb ) Magaalada Hargaysa ee Somaliland waxaa lagu xiray sida wararka ay sheegayaan xubno nabad sugid ah oo la shaqaynayay Taliskii NISA ee Fahad Yaasiin.
Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa qoraal ay ku baahisay barta ay ku leedahay X ku sheegtay inay gacanta ku dhigtay raggan oo ay sheegtay in ay la shaqayn jireen Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji.
Somaliland waxay sheegtay in ragga la qabtay ay fuliyeen falal lidi ku ah jiritaanka Somaliland, inkastoo aan qoraalka lagu xusin waxa ay ku hawlanaayeen iyo halka laga qabtay.
Somaliland waxa ay sheegtay in talaabo ay ka qaadi doonto shaqsiyaadkan ka tirsan Hay’ adda NISA ee fadhigeedu uu yahay magaalada Muqdisho.
Sida wararka ay sheegayaan labadan qof ayaa la soo istaajin doonaa Maxkamad , iyadoo la soo sheegayo in lagu hayo goobo gaar ah oo ay maamulaan Nabad sugida Somaliland.
Leave a Reply