Garoowe ( Raxanreeb ) Magaalooyin ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxaa wali ka jira xiisada ka dhalatay doorashada maamulkaas oo ay isku hayaan Saciid Cabdullaahoi DENI iyo siyaasiinta u baratamaysa xilka madaxtinimada .
Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay maqlayaan warar ku saabsan in Guddoomiyaha Barlamaaanka maamulkaas uu daba ka riixayo meel marinta sharciga doorashooyinka oo dib loo dhigay.
Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay Garowe, ayaa sheegay in aan la meel marin doonin xeerka wax ka beddelka doorashooyinka kaas oo ka danbeeya meel marintiisa Madaxwayne Saciid Cabdullaahi DENI.
Mudanayaashan ayaa ku eedeyay Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland inuu la shaqaynayo Saciid Cabdullaahi Deni oo la sheegay inuu masuul ka yahay dhibaatada ka dhalatay daaha doorashada iyo wax ka bedelka Dastuurka.
Xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, inuu afduubtay madax bannaanida golaha baarlamaanka, si uu u fuliyo qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Deni.
Waxay sheegeen xildhibaanadan in guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, inuu yahay “qori dableh” oo gudodomiyuhu uu doonayo inuu ku gubo xasiloonida iyo nabadda Puntland.
Si kastaba waxa deegaanada maamulka Puntland ka soconaya , dadaalo lagu doonayo in lagu dhax dhaxaadiyo Madaxwayne Saciid DENI iyo xubnaha mucaaradka maamulkaas kuwaas oo isku hayo doorashada in waqtigeeda lagu qabto.
Leave a Reply