GUUUX : Halkuu marayaa mooshinka guuxisu u socdo ee ka dhanka ah RW Xamse ?

GUUUX : Halkuu marayaa mooshinka guuxisu u socdo ee ka dhanka ah RW Xamse ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah looga hadal hayaa gaar ahaan xafiisyada Dowladda mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.

Siyaasiin badan oo aan la xiriirnay oo Dowladda ku jira ayaa inoo sheegay in mooshinkan uu yahay mid miisanka u saaran xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo ay la sugayaan kala fadhiga 4aad ee Golaha shacabka.

Xukuumadda Xamse Cabdi Bare ayaa culayska ugu badan waxa ay kala kulmaysaa dalal uu ka mid yahay imaaraadka carabta halkaas oo dhawaan booqasho uu ku tagay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabsida laga qabo mooshinkaas ayaa sii xoogaystay markii dhawaan Madaxwaynaha uu Golaha wasiiradu u sheegay in hadii dantu kalifto wasiirada ay daadin doonaan.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa u sheegay Raxanreeb inuu jiro guuxa mooshinka ka dhanka ah Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.
Sida qorshuhu yahay sanadkan inta uusan dhamaan ayaa lagu wadaa in uu furmo fadhiyada Golaha  shacabka ee  Barlamaanka Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa RBC u sheegay in kalfadhiga 4-aad  u furmi doono maalinta Sabti 25-November-2023-ka.
Golaha Shacabka ah ee  Barlamaanka  Soomaaliya ayaa waxa horyaala qodobo badan oo muhiim ah oo la xiriira xaaladda dalka hadda uu ka jiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.