Habow Siyaasadeed  – Hassan Sheekh – Waa nin hal seegtay.

 Habow Siyaasadeed  – Hassan Sheekh – Waa nin hal seegtay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Xasan Sheekh Maxamuud oo talada dalka jooga sanad & bilooyin ayaa ku gudbi waayay dhawr jidgooyo siyaasadeed oo haddii uu ku guulaysan lahaa tusaale wanaagsan u noqon lahayd dowladiisa inta u dhiman.

Madaxawayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgiiba la kowsaday caqabadaha beelaha ee tabashada ka qaba dowladiisa taas oo keentay in Hotelada ay buux dhaafiyaan shirarka beelaha waana la maareyn karay hase ahaatee ma aysan dhicin waxayna ku keentay dhaawac gaaray dowladiidiisa.

Halbeega kale ee  lagu cabiray dowladda  Xasan Sheekh ayaa ahayd sida ay ula dhaqantay warbaahinta xorta ah oo waxyar ka dib markii uu xafiiska uu la wareegay waxa kordhay tacdiga suxufiyiinta , iyo sida loola dagaalamay xoriyatul qowlka oo dhaawac kale ku noqotay dowladda.

Maamul goboleedyada oo dagaal uu ku qaaday sida Puntland waxase huursan maamulada kale ee waqtiga uu ka sii dhamaanaayo , waxaana la  fahamsan yahay khilaafka isaga iyo Axmed Madoobe , dhamaan waa tusaalle qeexaya muuqaalka ay  tahay dowladda hadda jirta.

Dhamaan waa laga baaqsan karay jidgooyooyinkan siyaasadeed haddii si wanaagsan loo maarayn lahaa hase ahaatee hadda waxa muuqanaya in xargaha ay goysteen oo dhabo wanaagsan u furi doonin Dowladda uh hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasadda Xasan  Sheekh  Maxamuud waxa  haadaan ka sii tuuray , heshiiska doorasho ee Qof iyo cod in  muddo kororsiga aan laga fiirsan ee maamul goboleedyada , taas oo keenaysa aaqirkii aafo siyaasadeed.

Falanqeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu hadaan ka sii dhacaya waxayna leeyihiin waxaa uu qaaday waddo natiijada hadda la ogyahay wax aka dhalan kara.

Waxa kaloo ay leeyihiin kuwa odorasa siyaasadda waxa keliya ee la doonayo ayaa ah in shacabka , la marin habaabiyo , maadama sanad la lahaa dalka dagaal ayuu ku jiraa oo lagu bedelayo dalka waxa loo diyaarinayaa doorasho shacabka ay u  dareerayaan sanaadiiqda cod bixinta.

Hadiiba sidaas ay tahay maxaa Hamse iyo Hassan mar qura afka u  furteen markii Puntland ay qabsatay doorasho qof iyo cod ah , gaar ahaan  Golayaasha deegaanka oo markii ay ku guulaysteen xitaa ay u awoodi waayeen in libinta la siiyo Puntland.

Yeelkadeeda  maamulada halkee ku qaban doonaan doorashada qof iyo cod ah , iyadoo la ogyahay wacyi dalka uu ku jiro xitaa maamulada qaar sida Jubbland ay awoodi waysay in Kismaayo ay dhaafto , halka koonfur Galbeed ay ku egtay Baydhabo.

Si kasta waxaa la sheega in Xasan Sheekh uu yahay in marin habowsan oo ku dhacay dabin siyaasadeed oo ay adag tahay sidii uu ugula bixi lahaa lugaha , taas oo haddii isku dayayana cawaaqinteeda ay tahay khalalaase siyaasadeed oo dalka dib u dhigi doonta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.