Jabkii Ciidanka Uganda ka dib yaa haysta  Buulamaree Sh. Hoose ?

Jabkii Ciidanka Uganda ka dib yaa haysta  Buulamaree Sh. Hoose ?

Buulamareer (Raxanreeb ) Laba – weerar oo is xig xiga ayaa ka dhacay todobaad gudahiisa degmada Buulamareer ee Shabeellaha hoose , halkaas oo ay  fariisimo ku leeyihiin ciidanka Uganda ee ATMIS.

Weeraradan ayaa degmada Buulamareer ka dhacayay xili salad subax laga soo baxay , halkaas oo kooxda Al- Shabaab ay ka gaysteen  khasaare xooggan oo soo gaaray ciidanka ATMIS ee Uganda.

Shabaab war ka soo baxay ayay ku sheegeen in weerarkaas ay ku kaxaysteen saraakiil Ugandays ah  halka kuwo kalena ay sheegeen in ay ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhiga ciidanka Uganda ee Buulamareer.

HADDA Laba maalin ka dib waxaa lagu soo waramayaa in ay dib ula wareegeen ciidanka Uganda ee ATMIS oo  gurmad ka helay saxiibadooda kale ka dib  markii kooxda Al- Shabaab  ay isaga baxeen saldhiga ay ka qabsadeen Uganda.

Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) oo isugu jira kuwa lugta ah oo hubeysan , ayaa sheegay inay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Buulo Mareer iyo tuulooyinka hoos yimaada oo ay Al-Shabaab qabsadeen dhawaan.

Alshabaab ayaa sheegay inay 137 askari oo katirsan ciidamada Uganda ku dileen weerarkaas. Iyagoo soo bandhigay maxaabiis ay ku qabteen weerarka iyo gaadiid dagaal oo ay gubeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.