HADDA : Ra’iisul Wasaarihii Dalka Bangladesh oo Is casishay –  maxaa keenay ?.

HADDA : Ra’iisul Wasaarihii Dalka Bangladesh oo Is casishay –  maxaa keenay ?.

Dhaka (Raxanreeb ) – Raiisal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina ayaa is casishay isniintii waxayna ka carartay dalkeeda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado rabshado wata, oo ah kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara muddadii uu jiray.

Taliyaha ciidamada General Waker-Us-Zaman oo khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sheegay in Hasina oo 76 jir ahi, ay ka baxday dalka, lana soo dhisi doono dowlad ku meel gaar ah.

Warbaahinta dalkaas ayaa ku soo waramaysa in Sheikh Hasina inay dalka kaga dhooftay diyaarad milateri, waxaana raacday walaasheed. Sheikh Hasina ayaa u jihaysatay dhinacaas iyo gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, kaas oo ku yaalla xuduudda ay Hindiya la wadaagto Bangladesh, inkasta oo warar kalena ay sheegayaan inay ku jihaysan tahay gobolka Tripura ee ku yaalla woqooyiga Hindiya.

Wakaaladda wararka ee Reuters, arrintan uma suuro gelin inay si degdeg ah u xaqiijiso.

Muuqaallada taleefishinada ayaa muujinayay kumannaan qof oo ku soo qul qulaya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Dhaka iyagoo aad u faraxsan oo qaylinaya isla markaana sita hal-ku-dhegyo kala duwan. Sidoo kale kumanaan qof ayaa xoog ku galay guriga rasmiga ah ee Hasina.

REUTERS/VOA Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.