Halkee kala marayaan  Dowladda Soomaaliya  ,  Somaliland & Itoobiya ?.

Halkee kala marayaan  Dowladda Soomaaliya  ,  Somaliland & Itoobiya ?.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Waxaa sii kordhaya khilaafka dhanka hawada ee u dhaxeeya Dowladda Soomaaliyo iyo maamulka gooni isu- taaga ah ee Somaliland taas oo ilaa iyo hadda wax xal ah loo helin.

Khilaafka labada dhinac ayaa sii  xoogaystay wixii ka ka danbeeyay , markii Somaliland ay la macaamiishay Itoobiya , taas  oo keentay inuu aad u xumaado xiriirka labada dal.

Arinta maamulka hawada  ayaa hadda waxay tahay  mid ay ka  taagan tahay , caqabad dhanka diyaaradaha iyo maamulka hawada taas oo qalqal ku keentay isticmaalka hawada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay  in dhamaan si rasmi ah ay ula soo wareegtay maamulka hawada , isla markaana hawada Soomaaliya laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Xiisada u dhaxaysa Sooomaaliya iyo Soomaaliland ee wali ka taagan maamulka hawada ayaa timid ka dib diyaarado u socday Hargaysa oo ay jojiyeen hayada duulista ee Soomaaliya.

joojinta diyaaradahaas ayaa timid kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in Itoobiya laga kireeyo dhul xeebeed dhan 20 km, kaas oo ay ka dhisan doonaan saldhig ciidamada badeed ah oo ay Itoobiya leedahay. Soomaaliya ayaa ka carootay heshiiskaas.

Tan iyo markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka dhamaadkii sanadka 2017-ka, waxaa markii u horeysay ee waalac noocaan ah ka dhashay hawada Soomaaliya xilligaan oo xiisadi ka jirto gobolka geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.