Hamse & Mahad  Gedo waxba kama taraan xogta NISA ee duulimaadka + Khilaafka

Hamse & Mahad  Gedo waxba kama taraan xogta NISA ee duulimaadka + Khilaafka

Muqdisho ( Raxanreeb ) Duulimaadka diyaaradaha Degmooyinka GEDO ayaa dhawr maalin hakad uu ku jiraa taas oo saameysay dadka ku nool deegaanka gobolkaas .

Maamulka gobolka Gedo ayaa amar gabi – ahaanba diiday in wax diyaarad ah ka soo degaan degmooyinka sabab la xiriirta xafiiska Hamse Cabdi Barre oo ka wakiil ah Xasan Sheekh uu doonayo in dad iyaga raali ka ahayn la geeyo Gedo.

Inta badan shaqsiyaadka uu diidan yahay maamulka Gedo ayaa ah kuwo ka socda dhanka Axmed Madoobe oo sanado badan aysan isku fiicnayn siyaasiinta Gedo ka soo jeedo .

“annaga dadka aan celinno waa dad la yaqaanno, qofkii dhibaato wadana waan iska celineyna, maamulka Kismaayo waan is khilaafsannnahay cid xagga ka socotana wan celineynaa.” sidaas waxaa BBC u sheegay Guddoomiyaha maamulka Gedo Axmed Buule Gareed.

Maamulka Gedo oo tuhunsan in Dowladda Xasan Sheekh dhax dhaxaad aysan ka ahayn khilaafka Gedo iyo Kismaayo ayuu ugu baaqay Mr Buulle Hamse Cabdi Bare inuusan dhinacna u xaglin.

“Xamse haddii aadan arrinta labada dhinac ee Jubaland caddaalad ka noqon Karin iska dhex bax” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

NISA- da uu agaasimaha ka yahay Mahad Salaad ayaa sidoo kale fargalin ku leh siyaasadaha ka jira Gedo iyo Kismaayo oo waxaa la xaqiijiyay in diidmada Gedo ee diyaaradaha soo qaadaya xubno ka socda Kismaayo uu qaaday talaabo taas jawaab u ah.

Magaalada Muqdisho waxaa la keenayaa Taliyayaasha NISA ee degmooyinka Gedo si loogu yeeriyo danaha Mahad Salaad ee Gedo , isagoo raacaya qorshaha dowladda ee ay ugu gacan qanayso Jubbaland.

Lama oga in xubnaha la bedeli doono iyo in kale  hase ahaatee xogta aan hayno ayaa sheevaya in Mahad Salaad uu aaminsan yahay in wax badan ay ka bedeli karto qorshahooda Gedo.
Dowladda Xasan Sheekh ayaa xoog ku bixinaysa sidii Gedo loogu gacan galin lahaa Axmed Madoobe oo sanado badan iska jooga maamulka Jubbaland laakiin waxaa muuqanaysa in wali uu jiro khilaafka Gedo & Kismaayo si kasta oo ay isku bedelaan Farmaajo & Xasan Sheekh.

Gedo waxaa tan iyo 2019-kii ka taagan khilaaf u dhexeeya siyaasiyiinta gobolkaas iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Leave a Reply

Your email address will not be published.