Hantida Eithobia oo lala wareegi doono haddii deynta iska bixin.

Hantida Eithobia oo lala wareegi doono haddii deynta iska bixin.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ethiopia ayaa ku guuldareysatay iney iska bixiso lacagaha dulsaarka ku ah deymanka lagu leeyahay,  sidaa waxaa sheegay Masuul u hadlay dowladda Ethiopia

Dowladda Ethiopia ayaa lagu leeyahay deyn dhan $139 Billion , waxaana lacagahaan intooda badan ku leh wadanka China 🇨🇳, waxaana ku jira lacagihii Ethopia loogu dhisay wadada Trein ka ah ee xiriirisa Ethopia iyo Jabuuti, iyo lacago loogu maal galiyay warashado iyo beero.

Dowladda Ethiopia waxaa laga rabay December 12,2023kii iney bixiyaan $33 Million oo ah lacagta dulsaarka, balse waxey Ethiopia codsatsy in waqti loogu daro, waxaana la siiyay 17 maalmood oo dheeriya si ay lacagtan ugu bixiso, hase yeeshee Dowladda Ethiopia waxey ku fail garowday iney lacagtaas bixiso.sikastoo ay cudur daar uga dhigatay in Sanadkii 2020ka ee Covid-19 ka iyo labadii sano ee ka dambeysay ee uu dagaalkii sokeeye  dhexdeeda ka socday ay aad u naafeeyeen dhaqaalaheeda lagama aqbalin.

Haddii ay dowladuhu bixin wayaan lacagaha dulsaarka ah, waxa uu heshiisku dhigayaa in dahabka iyo hantida kale ee u taala bankiga dhexe lagala wareego, arintaan ayaa horey ugu dhacday dalalka Ghana 🇬🇭 iyo Zambia 🇿🇲, kuwaas oo ay hada China kala wareegtay gebi ahaan dahabkoodii iyo hantodoodii keydka dalka aheyd ee u taalay bank yada, Ethiopia-na waxa ay noqoneysaa dalkii sadexaad oo African ah oo iska bixin waaya lacagaha dulsaarka ah ee ka dhasha deymanka

Leave a Reply

Your email address will not be published.