WARCUSUB : Qarax ka dhacay MUQDISHO & Booliska oo hadlay.

WARCUSUB : Qarax ka dhacay MUQDISHO & Booliska oo hadlay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Qarax xooggan oo la sheegay in boors lagu soo xiray ayaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay suuq ku yaala degmada Xamarwayne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan waxa uu saameyn ku yeeshay  – ganacsiga suuqa Xamarwayne , mana jiraan khasaare nafeed uu  u gaystay sida ay sheegeen ganacstada oo  nala hadlay goor dhaw.

Dhanka  kale :  Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxa maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho

‘’Saaka 10 Jan 2024 abaare 12:20 AM ayeey AS walxa qarxa usoo dhigeen Suuga Marwaas gaar ahaan Kaalin Shidaal  ee Degmada Xamarweyne.

Ciidamada Amaanka ayaa dadka ka badbaadiyay, goobta xiray. Isla markaana, qarxiyay abaare 01:00 PM Duhurnimo ‘’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay booliska.

Xaalada hadda waa ay degan tahay waxaana si caadi ku soo noqday dhawr ganacsi oo markii hore u xirmay saamaynta qaraxa ka dhashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.