Hay’adda duulista Soomaaliyeed: Waxba iskama baddelin maamulka hawada

Hay’adda duulista Soomaaliyeed: Waxba iskama baddelin maamulka hawada

Hargeysa (Raxanreeb) — War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in aysan waxba iska baddalin “mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masu’ul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya”.

War saxaafadeedkan ayaa lasoo dhigay barta Facebook, ee ay ku leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

“Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Tani waxay kusoo aadeysaa kadib hadalka Somaliland ee ahaa in wixii ka dhaca hawada Soomaaliya ay qaadi doonto dawladda fedaraalka ee Soomaaliya, taas oo su’aalo badan keentay.

Mas’uuliyiinta duulista hawada ee Somaliland ayaa ku eedeeyey dawladda federaalka Soomaaliya inay ku xadgudubtay maamulka hawada, islamarkaana ay iyaga mas’uul ka noqon doonaan wixii carqalad ah ee ku yimaada.

Somaliland ayaa ku eedeeysay Soomaaliya inay ka baxday heshiisyadii hore loo gaaray ee la xiriiray maamulka hawada.