Heshiis horudhac ah oo lagu soo afjaray colaad beeleed ka dhacday Galgaduud.

Heshiis horudhac ah oo lagu soo afjaray colaad beeleed ka dhacday Galgaduud.

 Gaalkacyo (Raxanreeb online) – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo dhanka nabadda ah iyadoo heshiis horudhac ah oo xabad joojin ah laga gaaray colaadii u dhaxeysay labo beelood oo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada Baliseenyoolle iyo Ina Jiirow oo ka kala tirsan degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ku dhawaaqay in xabad joojin laga gaaray deegaankan ayaa kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Nabadoonada labada dhinac ee dirirtu dhexmartay, kuwaasi oo qaatay nabada, isla markaana xabad joojin laga gaaray colaadaasi.

Saraakiishii hogaamineysay ciidamada dowladda oo ka mid ahaa kuwa loo kala diray labada dhinac ee dagaalamay ayaa balan qaaday in ay sugi doonaan amaanka deegaanada ay colaadu ka jirto, taasi oo muujineysa in qofkii lagu arko qori la soo qaban doono, lagana qaadi doono cadaalada.

Go’aankan nabadeed ayaa lagu soo dhaweeyay in ay rajo u tahay gobolka, oo ay ka soo muuqdeen qalalaase iyo rabshado. Dadaallada wada shaqayneed ee ay wadaan dawladda Faderaalka iyo Dawlad Goboleedka Galmudug oo ay weheliyaan oday dhaqameedyada iyo malaaqyada nabadeed ayaa qayb weyn ka qaatay in heshiiskan hordhaca ah la gaaro.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa ku dhawaaqay in nabad laga gaaray balse waxa uu ka codsaday dowladda iyo maamulka Galmudug in la soo qabto shaqsiyaadka colaadaha beelaha ka wada gobolka .

Bulshada deegaanka oo ka daalay colaadaasi ayaa hadda u hanqal taagaya in xal nabadeed oo joogto ah laga gaaro, isla markaana dib loo soo celiyo kalsoonida beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay. Hogaamiyayaasha ku hawlan wada hadalada nabada ayaa rajo ka qaba in heshiiskani uu dhabaha u xaaro nabad iyo xasilooni waarta oo ka hirgasha gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.