Heshiis laga gaaray caradii ka dhalatay magacaabista duqa cusub ee Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ka dib kulamo is daba jooga ah oo magaalada Muqdisho ay ku yeesheen odayaasha dhaqanka , waxgaradka iyo saraakiil aad u diidanaa magacaabista Gudoomiyaha gobolka Banaadir aya la xaqiijinayaa in heshiis hor dhac ah la gaaray.

Ergo ka kala socotay labada beeleed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay shirar uga socdeen magaalada Muqdisho si la isku soo dhaweeyo dhinacyada diidanaa Guddoomiye Yuusuf Jimcaalle.

Xubnaha labada dhinac ayaa isku raacay in la muujiyo midnimo guud ahaan dhanka labada beelood lagana sii fakaro hadda ka dib sida ay tahay in loo wadaago maamulka gobolka Banaadir.

Dhawaaqa iyo carada ka dhalatay magacaabista Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa keentay in Madaxwayne Xasan Sheekh tan iyo shalay waqti badan uu galiyo qancinta beelaha diidan Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Saacadihii la soo dhaafay qaar ka mid ah beelaha dega magaalada Muqdisho , gaar ahaan kuwa uu ka jeeda Madaxwaynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya ayaa qarka u fuulay in ay dagaalaan

Xaalada guud magaalada Muqdisho hadda waa ay degan tahay waxaana muuqanaysa in Madaxwaynaha iyo odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir gaar ahaan kuwii diidaa Yuusuf Jimcaalle ay isku soo dhawaadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.