Sarkaal Dowladda oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Hiiraan.

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo maanta oo Jimcaha magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax khasaare gaystay.

Waxa uu ka dhacay qaraxan oo ahaa miino lala eegtay ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya inta u dhaxeya Beledwayne iyo Buulburde.

Waraer hor dhac ah oo RBC uu ka helayo qaraxan ayaa sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray sarkaal magaciisa lagu soo koobay Indho- buur.

Ciidankan ayaa ku sii jeeday deegaano gobolka Hiiraan ah halkaas oo ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al- Shabaab.

Saraakiisha Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ma jirin wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxan lala eegtay ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka ayaa qaraxa ka dib sii watay socdaalkooda si ay u gaaraan deegaanada gobolka Hiiraan oo ay ka socdaan howlgalada ka dhan ah Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.