Hoggaamiyaha milateriga oo xilka madaxweynaha ee Gabon loo dhaariyey

Hoggaamiyaha milateriga oo xilka madaxweynaha ee Gabon loo dhaariyey

Gabon (Raxanreeb) —Waxaa Isniintii xilka loo dhaariyey General Brice Olingui Nguema oo ah hoggaamiyaha cusub ee awoodda dalka Gabon kula wareegay inqilaabka, isaga oo noqonaya madaxweyne ku meel gaar ah.

Khubarada kala duwan ayaa sheegaysa in tallaabadani ay hordhac u tahay, hubanti la’aan soo foodsaartay mustaqbalka siyaasadeed ee dalkan ku yaalla Afrikada dhexe.

General Olingui ayaa ballanqaaday inuu qaban doono doorasho xor ah oo daahfuran si uu dalkaas ugu soo celiyo xukunkii rayidka ahaa, hase ahaatee muu sheegin xilliga uu xukunka wareejin doono.

Hoggaamiyaha milateriga ee xukunka loo dhaariyey ayaa sheegay inay tahay in marka hore la sameeyo dastuur cusub isla markaana afti loo qaado.

Godbless Otubure oo ah aasaasaha urur aan dawli ahayn oo lagu magcaabo Ready to Lead Africa, ayaa sheegay “in milaterigu ay ogyihiin inaanay lahayn awoodda ay ku maamuli karan dal dimoqraadi ah, taasoo keenaysa inaanu ka hadlin xilliga [uu joogayo]”