Laascaanood (Raxanreeb online) – Maamulka SSC-khaatumo oo ku dhawaaqay in ay awood ciidan ku qabsan doonaan degmada Ceerigaabo.
Sidoo kale, hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye oo xalay khudbad ka jeediyay munaasibad lagu qabtay Laascaanood ayaa ku dhawaaqay in ay awood ciidan ku qabsan doonaan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Dhanka kale, magaalada Ceerigaabo oo lagu wada-degganaa heshiis qabiil oo afar beelood ah ayaa waxa dhawaan qabsaday ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan mileeshiya-beeleedyo ka soo duulay galbeedka gobolka Sanaag taasi oo sababtay in lagu kala qaxo Ceerigaabo.
Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sheegay in dhammaan shacabkii SSC-khaatumo ee degganaa Ceerigaabo laga soo saaray islamarkaana guryahoodii iyo dhulalkoodii ay kala qeybsadeen mileeshiyaadkii soo duulay ee Reer Somaliland waxaana uu ku hanjabay in ay awood ciidan dib ugu qabsan doonaan Ceerigaabo.
“Caawa halkan waxaan uga sheegaya reer SSC meelkastoo ay joogaanba in loo diyaar-garoobo sidii aynu ugu guuri lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag inta gacanteenna ka maqan si aynu u dhammaystirno halgankii aan u galnay dhulkeenna iyo masiirkeenna” ayuu yiri hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye.
Sikastaba, Labada dhinac ee SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa waxa ka dhexeeya colaad qabiil ku salaysan iyo muran dhuleed oo sababay dagaallo kala duwan taasi oo ilaa iyo hadda xal loo la’yahay waxaana dhawaanahan socda dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda oo labada maamul wadaan.
Leave a Reply