Ilhaan Cumar oo ka hadashay ololaha lagu doonayo in lagu tarxiilo

Ilhaan Cumar oo ka hadashay ololaha lagu doonayo in lagu tarxiilo

New York ( Raxanreeb Online) Ayadoo xiisadda u dhaxaysa xubnaha aadka u mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka iyo xildhibaan Ilhaan Cumar ay sii xoogaysanaayso ayaa waraysi ay dhawaan bixisay Ilhaan waxay ku sheegtay in Maraykanka ay u siman yihiin ayada iyo Elon Musk oo ah maalqabeen xubin ka ah xukuumadda Maraykanka.

Hadalkan ayaa yimid ayadoo xildhibaanno Maraykan ah wadaan qorshe la doonayo in lagu musaafuriyo Ilhaan oo muddo dheer uu xifaaltan kala dhaxeeyey madaxweyne Trump, laakinse hadda xubno kale ay ku soo biireen.

Waxay waraysiga oo qayb yar oo ka mid ah ay soo galisay barteeda X ku sheegtay in ayada iyo xoghayaha waaxda cusub ee dhawaan la aasaasay ee waxtarka xukuumadda Elon Musk, ay labadooduba yihiin “laba qof oo muhaajiriin ah, laakinse aan wax badan ka baran sharciga dalka”.

“Aniga iyo Elon waxaan labadeennaba muhajiriin ku nahay dalkan, waxayna u eg tahay in qofkeenna uusan isku dhibin inuu barto shuruucda dhulkan. Gabi ahaanba waa xuquuqda dastuuriga ah ee dadka inay xuquuq leeyihiin ayadoo aan loo eegin meeqaamkooda. Waxaan leenahay nidaam la maro, waxa aan leenahay talaabooyin la isku hubiyo. Waxa aan ognahay in marka dadka loo diyaarinayo tarxiil, inay tahay in ay hor tagaan xaaakimka socdaalka. Waxaan ognahay inay tahay in aad hesho ruqsad soo qabasho oo uu saxiixay xaakimka socdaalka ka hor inta aadan aadin in aad qof soo xirto. Dhamaantood arrimahaas waa xogta ay dadku doonayaan inay ogaadaan, kumana noolaan karno meel la iska indhatiro isku xukunka sharciga, oo aan iska indha tirayno nidaamka la maro, oo aan abuurayno jawi cabsi leh” ayey tiri Iihaan Cumar.

Hadalkaas ayaa u muuqday in aysan jirin sharciyad ka xayuubinaysa xilka loo doortay ee Koongareeska iyo in aan dalka laga tarxiili karin, muwaadinnimadana aan lagala noqon karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.