Imaaraadka Carabta oo hal arrin ka sameysay Muqdisho

Imaaraadka Carabta oo hal arrin ka sameysay Muqdisho

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho ka furtay xarunta bixinta dal ku galka (VISA) taas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed fursad u siineyso in Fiisaha ay ka qaadan karaan.

Xaruntaan ayaa noqonaysa Qunsuliyaddii ugu horeeysay oo Imaaraadka ka furo Muqdisho tan iyo burburkii ka dib, tani ayaa xoojineyso xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad ugu dhibbanaa helista Vissaha dalka Imaaraadka Carabta, waxaana tallaabadaan horseedeysaa inay si fudud ku helaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.