Kongo ( Raxanreeb Online) In ka badan laba boqol oo qof ayaa lasoo weriyay in ay ku dhinteen burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo Arbacadii, kuna taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.
Afhayeen u hadlay guddoomiyaha ay fallaagadu magacaabeen ee gobolka Waqooyiga Kivu, halkaas oo macdanta koltaan ee Rubaya ku taallo, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen macdan-qodayaal, carruur iyo haween. Qaar ka mid ah dadkaas, ayuu sheegay in la badbaadiyay.
Goobtan ayaa soo saarta qiyaastii shan iyo toban boqolkiiba koltanka adduunka, oo ah macdan muhiim u ah soo saarista taleefoonnada gacanta iyo qalabka kale ee elektaroonigga ah. Tan iyo 2024, goobtu waxay hoos imaanasay gacanta kooxda fallaagada ah ee M-23.
(In ka badan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa ka shaqeeya warshadaha macdan-qodista ee aan nidaamsanayn ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo shilalka dhimashada keena ay aad ugu badan yihiin.

Leave a Reply