In ka badan 113 qof oo ku dhintay dab ka kacay xaflad aroos

In ka badan 113 qof oo ku dhintay dab ka kacay xaflad aroos

Baghdad (Raxanreeb) — Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii dab uu kacay intii xaflad aroos ay ka socotay hool ku yaalla magaalada Qaraqosh ee waqooyiga Ciraaq, waxaa sidaas Arbacadii sheegay mas’uuliyiinta.

Isbitaalka ugu weyn magaaladan ay u badan yihiin dadka Kirishtanka ah ee ku taalla bariga Mosul, ayaa weriye ka tirsan AFP wuxuu arkay baabuurta gurmadka deg degga ah oo imanaya iyo tobaneeyo qof oo safaf ugu jira inay dhiig ku deeqaan.

Ayada oo soo xiganeysa khasaaraha horudhaca ah, ayaa wakaaladda wararka ee ramsiga ah ee Ciraaq ee INA ay ku warantay in mas’uuliyiinta caafimaadka gobolka Nineveh ay “tiriyeen 100 meyd iyo in ka badan 150 qof oo ku dhaawacmay hoolka arooska ee Hamdaniyah,” oo ah magac sidoo kale loo yaqaan magaalada.

Khasaaraha nafeed ayaa waxaa sidoo kale AFP u xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda caafimaadka Saif al-Badr.

Badar ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah intooda badan laga daweynayo gubasho ama oksijiin la’aan, isagoo intaas ku daray in sidoo kale ay isbuurasho ka dhacday hoolka oo buux dhaafiyey.

Hay’adda Bisha Cas ee Ciraaq ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen in ka badan 450 khasaare, balse aysan awoodin in ay faah-faahin ka bixiyaan inta dhimatay.

War qoraal ah, oo ay soo saareen mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah, ayaa lagu sheegay in gudaha hoolka xafladda ay ku jireen darbiyo ka sameysan walxo aad u holca.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohamed Shia al-Sudani ayaa ugu baaqay wasaaradaha caafimaadka iyo gudaha “inay abaabulaan dhammaan dadaallada badbaadinta,” si loo caawiyo dhibnanayaasha dabka.

AFP